Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan argagixisada Al shabaab oo Khabiir ku ah Qaraxyada

325

Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada Alshabaab oo Khabiir ku ah Qaraxyada, sida uu sheegay Taliska NISA.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay Dadaalada lagu sugayo amniga.

“Ciidanka Amniga, ayaa ku qabtay X-koontarool xubin AS ah oo khabiir  ku ah qaraxyada. Holwgalkaan wuxuu qeyb ka yahay dadaalada lagu sugayo amniga. Aan si wadajir ah uga hortagno qarax maleegayaasha”.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la doonayeen shacabka Soomaaliyeed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here