Ciidamada Amniga oo soo xiray Horjooge ka tirsan Argagixisada Alshabaab.

Weerar qorshaysan oo Ciidamadu ka fuliyeen Gobalka shabeelaha hoose ayaa lagu soo xiray horjoogahaan oo ka mid ah dhagarqabayaasha u taagan daadinta dhiiga shacabka.

Howlgalka oo dhacay habeenimadii 26- march ee Bishan  ayaa ka dhacay deegaanka jambaluul ka dib markii ciidamadu hareereeyeen goobtii uu joogay dhagar qabuhu.

Majirto wax khasaare ah oo kasoo gaaray shacabka iyo Ciidamada Qaranka hawlgalka lagu qabtay horjoogahaan.

Waa talaabo kale oo loo qaaday dhanka baadbaadada shacabka laguna kala dhantaalayo dambiilayaasha argagixisada ah ee ku mashquulsan waxyeelada Shacabka soomaaliyeed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here