Ciidamada Galmudug oo gacanta ku dhigay dad ku howlanaa jarista dhirta

0
979

Cidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa bilaabay howlgallo ay kula dagaallamayaan dadka xaalufiya dhirta, iyadoo saacadihii ugu dambeeyay howlgallo ay ka fuliyeen inta u dhexeysa Cadaado iyo Caabudwaaq gacanta ku soo dhigay tiro dad ah.

Howgalkan ayay ciidamada waxa ay ka sameeyeen inta u dhexeysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado, waxaana ay gacanta ku soo dhigeen Lix ruux oo ku howlanaa jarista dhirta, kuwaasi oo lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Cadaado.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole oo ciidamada ku wehlinayay howlgalka ayaa digniin u diray dadka ku howlan jarista dhirta, waxaana uu xusay in ciidamadu ay gubeen dhowr meelood oo kuwa la soo qabtay ay dhuxusha ku gubi jireen.

“Lix ayaan soo xirnay, waxaan gubnay dhowr xarumood oo ay dhuxusha ku gubi jireen, runtii waxaan bulshada ka codsaneynaa inay gacanta nagu soo simaan, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado”ayuu yiri Cabdullaahi.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here