Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadood oo laayay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab

Howlgal qorsheysan oo ciidamada xooga dalka ay ka fuliyeen meel aan ka fogeyn magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu dilay 20 ka tirsan maleeshiyaadka argagaxisada Alshabaab oo ku jirey xaalad dhuumaaleysi ah.

Weerarkan oo dhacay 25 bishaan Fibraayo ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada qaranka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda caalamiga ah.

Isla goobta weerarkan duqeynta ah uu ka dhacay ayaa bishii hore waxaa lagu laayay 30 ka tirsan argagaxisada Alshabaab, markii weerar sidan oo kale ah lala eegtay.

Tani waa mid ka mid ah talaabooyinka joogtada ah ee Ciidamada qaranka iyo saaxiivadooda caalamiga ahi ugu diidayaan Alshabaab in ay nastaan helaanna wakhti ay isku abaabulaan si ay u waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here