Ciidamada Turkiga oo qabtay In ka badan 30 muhaajiriin ah

Ciidamada amniga ee dalka Turkiga ayaa qabtay 34 muhaajiriin ah oo dalkaas kusoo galay si sharci darro ah.

Dadkaan oo laga soo qabtay xadka Turkiya iyo Bulgaariya ayaa kasoo kala jeeda wadamada Pakistan, Afghanistan, Ciraaq iyo Suuriya.
Laamaha amniga ee dalka Turkiga ayaa sheegay in dadkaan lagu celin doono wadamada ay kasoo jeedaan, iyadoo la ilaalinaayo sharciyada u yaal Turkiga.