Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo la wareegay fariisimo horleh

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa DaraawiishtaGalmudug ayaa galabta weerar qorshaysan ku qaaday fariisimo nabad diidka Al shabaab kula haayeen Deegaanka Shabeeloow ee koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen saldhigyadii maleeshiyaadka Al shabaab ee Deegaankaas waxaana halkaas qasaare lagu gaarsiiyay maleyshiyadii

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa guullo ka gaaray dagaalo ay maleeshiyaadka Al shabaab kula galeen koonfurta Gobolka Mudug iyadoo ciidamadu la wareegeen Xaruumo malayshiyadu ka soo abaabuli jireen falalka ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaliyeed.