Ciidamada Xoogga Dalka oo deegaanno hor leh kala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa ku sii qul qulaya nawaaxiga degmada Jamaame, iyagoo goobo hor leh kala wareegay maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab .

Ciidamada Xoogga ayaa la wareegay fariisimo argagixisadu ay ku dhibaateyn jirtay shacabka,waxayna dileen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Korneyl Idiris Kuusow Sheikh Cabdi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay jab xooggan gaarsiiyeen maleeshiyada Al-Shabaab,islamarkaana ay ka dul qaadeen shacabkii ay dhibaatada ku hayeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay ka carraraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbada hoose ka dib markii ay culeys Militari ay kala kulmeen ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here