Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab ka wado Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Buulo burde Cismaan Geedi Cilmi oo la hadlay Radio Muqdisho  ayaa sheegay in Ciidamada ammaanku ay wadaan howlgallo maleeshiyada Al-shabaab looga xureeynayo deegaanada ay kaga dhuumaaleysanayaan Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa  beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Hiil walaal ee Jabuuti ay ka baxeen deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan,isagoo xusay in wararkaas ay suuqa geliyeen dad kasoo horjeedo dowladnimada.

Ugu dambeyntii Guddoomiye ku xigeenka degmada Buulo Burde Cismaan Geedi Cilmi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Qalabka sida, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyaadka argagaxisada Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here