Ciidammada qalabka sida ee Dowladda oo howlgallo ka sameeyay Deegaanno hoostaga degmada Buulaburde

Ciidammada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Hiil-walaal ee Jabuuti ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Deegaan hoostaga Degmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan waxa ay ku dileen labo ka mid ah horjoogeyaasha Maleeshiyaadka Alshabaab.

“Dadka  degan Deegaanka Ceelka Dabayoodle oo hoostaga Degmada Buulaburde ayaa soo wargeliyay Ciidammada qalabka sida ee dowladda, iyagoo u sheegay in maleeshiyaad katirsan kooxda Alshabaab ay dhibaato kuhayaan iyaga iyoxoolahooda kaddina sidaas uu kubillowday howlgalkii lagu dilaylabadaan katirsan kooxda Alshabaab” ayuu yiri wariyaha Warbaahinta Qaranka Degmada Buullaburde Cabdinaasir Geesey.

Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda iyo Kuwa Hiil-walaal ee jabuuti ayaa kuguuleystay in kooxda Alshabaab ay kasaaraan deegaanno horleh oo ay kooxdaas dadka kudhibaateynjirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here