Ciidamo Boliis Ah Oo Tababar Loogu Soo Xiray Beledweyene “Sawirro”

0
2294

Ciidamadani tababarka maanta loogu soo xiray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa tababarkoodu u socday muddo, iyadoo ciidamadaasi ay ka mid noqonayaan ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ee ka howlgalaya gobolka Hiiraan kuwaa oo ka qeyb qaadan doona sugida ammaanka.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalada Beledweyne ayaa tababar loogu soo xirayay ciidankaasi, iyadoo ay ka qeyb galeen munaasabadaasi mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan, Taliska ciidanka booliska Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo qeybaha kale ee bulshada.

Taliyaha ciidanka qaybta booliska ee gobolka Hiiraan Corneyl Isaaq Cali Cabdulle oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka loo soo xiray tababarka la qalabeyn doono, ayna bilaabi doonaan dhaqooyinkooda ku aadan sugida ammaanka.

Taliye ku-xigeenka qeybta afaraad ee ciidanka AMISOM ee gobollada Hiiraan iyo Galgaduud Corneyl Maria Bayane oo isna hadal ka jeediyay munaasabadaasi ayaa sheegay in gobolka ay u diyaariyeen ciidamo gaaray kun askari oo isugu jira boolis iyo Milatari.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax ayaa sheegay askartaasi gaareysa 260 askari oo cusub oo kamid noqon doona ciidammada booliska ee gobolka in laga sugaya howl baaxad leh oo ku qotonta xaqiinta ammaanka.

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here