Ciidanka Booliska oo toogasho ku dilay dhagarqabe ka tirsanaa Al-Shabaab

Booliska gobolka Banaadir ayaa Ex Control Balcad ku toogtay dhagarqabe ku hubeysanaa Qori Ak-47, kaasi oo isku dayay in uu carqaladeeyo dhismaha waddada xariirisa Muqdisho iyo Balcad ee Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.

Ciidanka oo ka feejignaa Dhagarta cadowga mar walba soo maleego ayaa ka hortagay ninkaan, isla markaana toogasho ku dilay ,

Waxaa Sido kale Ciidanka ninkaan ay ka qaadeen boorso uu watay , taasi oo la tuhunsan yahay in ay ku jiraan walxaha qarxa, waxaana hada baaraya Ciidanka booliska gobolka Banaadir