Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan Hiiraan

1587

Taliyaha ciidanka xoogga ee degmada Buulo Burte Gaashaanle Cabdullaahi Barre Cilmi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay  in howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno hoos yimaada degmada Buulo Burte ay kula wareegeen deegaanno hor leh oo gobolka Hiiraan ka tirsan, kuwaasi oo horey dadka ay ugu dhibaateyn jireen maleeshiyaadka Uruka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay inay la wareegeen saanad milateri  iyo qalab ku shaqeeya cad ceedda oo ay si dhuumaleysi ah u isticmaali jireen.

“Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, waxa ay howlgallo ka sameeyen duleedka Degmada Buulo Burte, gaar ahaaan deegaannada Ceelbacad, Jamaceeo iyo Mubaarak, dhamaan meelihii ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda UGUS waa lagala wareegay, waddo ay ku dhuumaaleysan jireenna waa laga kiciyay, 11-ka mid ah maleeshiyaadka kooxda UGUS, goobta ayaa lagu dilay, lama yaqaan halka ay jaan iyo cirib dhigeen” ayuu yiri Taliyaha.

Gaashaanle Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa xusay in wada shaqeyn buuxdo ay kala dhexeyso shacabka ku dhaqan degmada Buulo Burte iyo deegaannada kale ee ku teedsan, isagoo ugu baaqay inay xoojiyaan wada shaqeyntaas, si guud ahaan gobolka looga cirib tiro haraadiga maleeshiyaadka UGUS.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here