Ciidanka dowladda oo gacanta ku dhigay dhagar-qabayaal Al shabaab ah oo dil gaystay

1897

Kooxo hubeysan ayaa maanta dil u geystay darawal iyo mid ka mid ah ilaalada guddoomiyaha degmada Boondheere, iyadoo ciidamada amniga ay dileen mid ka mid ah kooxihii falka dilka ah geystay, halka gacanta lagu soo dhigay labo kale oo isla kuwii falka ka dambeeyay ahaa.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka u qaabilsan gobolka Banaadir Nuur Saciid Tahliil ayaa ku soo waramaya in ciidanka Nabad sugidda ay dabagal ku sameeyeen kooxihii falka dilka ah geystay, waxaana ay ciidamadu ku guuleysteen in toogtaan mid ka mid ah dhagar qabayaasha falkaasi fuliyay, waxayna sidoo kale gacanta ku dhigeen labo kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale qarax ay ku dhimatay haween, isla markaana uu dhaawac ka soo gaaray askari ka tirsan ciidanka amniga ayaa ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here