Ciidanka qalabka sida oo howlagalo la bilaabay Bakool

0
2159

Ciidanka qalabka sida  ee Soomaaliya oo ku sugan gobolka Bakool ayaa howlgalo lagu sifeynaayo maleeshiyaadka kooxda UGUS ka bilaabay deegaanada kooxda  ay kaga sugan yihiin gobolkaas, wariye warbaahinta qaranka ee gobolka Baay Siraaji Sheekh Isxaaq oo hadda ku sugan deegaanka Ceel laheley oo 25 KM dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegay in Ciidanka ay saaka u dhaqaaqeen deegaanada ay kooxda nabad diidka ah joogaan.

Ciidamada ayaa waxaa ay ku wajahan yihiin tuulada Moora-gaabey oo kooxda UGUS ay saldhig ku leeyihiin waxayna ciidanka ay ka saareen deegaano badan oo maleeshiyaadka ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Howlagaladan maanta laga bilaabay gobolka Bakool ayaa waxaa la socda mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bakool waxayna saraakiisha Ciidanka ay sheegeen in howlgaladan u jeedkoodu yahay in maleeshiyaadka UGUS laga tirtiro guud ahaan gobolka.

Dhinaca kale magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa maanta waxaa gaaray wefdi ka socda gudiga dib u heshiisiinta maamulka koonfur galbeed Soomaaliya waxaana xubnaha wefdigaas kamid ah Wasiirkii hore ee dowladii KMG ah mudane C/laahi Maxamed Nuur oo hada ah wakiilka hey’adda DRC ee goboladaasi.

Wefdiga ayaa markii ay gaareen Xudur waxaa soo dhaweeyay gudoomiyaha degmada Xudur iyo mas’uuliyiin kale waxaana u jeedka xubnahan maanta gaaray halkaasi la sheegay in ay dib u heshiisiin ka dhex sameeyaan beelo wada dega gobolka Bakool.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here