Ciidanka Ururka 60-aad oo kulan sagootin ah u sameeyey Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka “SAWIRRO”

342

Ciidanka Taliska Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyadda Soomaaliya, ayaa kulan sagootin ah maanta u sameeyey Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo intaan xilka Abaanduulka loo magacaabin ahaa Taliyaha Ururkaasi.

 

Kulanka intii uu socday ayaa Gen. Odowaa waxa uu dhageystay Talooyin iyo aragtiyo ay usoo gudbiyeen Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo dableyda Ururka 60aad ee ilaaladda Madaxtooyadda Qaranka, waxaana dhammaan ay ugu hambalyeeyeen Xilka cusub ee loo dhiibay, iyaggo ALLE uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo dhiibay.

Siihayaha Taliyaha Ururka 60aad ee Ilaaladda, ahna Abaanduulaha Ururkaasi, Dhamme Dayax Cabdi Cabdulle oo kulanka ka hadlay, ayaa ugu horeyn u hambalyeey S/guuto Odowaa Yuusuf raage, waxaana uu xusay in Shaqada Ururka lasii dar dar gelin doono.

Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Ciidanka Ururka 60aad, ayaa uga mahad celiyey qaabka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intuu uu hayey Xilka Taliyaha Ururka, isaggoo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan shaqada, si wanaagsanna ay ula shaqeeyaan Madaxda.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here