Ciidanka Xoogga Dalka Magaalada Buurdhuubo oo Fashiliyey Weerar ay soo Qaadeen Argagixisada Al-Shabaab

Ciidamada Xooga dalka magaalada Buurdhuubo ee gobalka Gedo ayaa fashiliyay weerar ay magaaladaas  ku soo qaadeen kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, hawl-galkaas waxaa ka hor tagay ururka 48-aad ciidanka xoogga dlaka ee magaaladaas, waxayna u gaysteen khasaare kale duwan sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada xoogga dalka magaalada Buurdhuubo.

Taliyaha amniga magaalada Buurdhuubo Nuur Kediye Ibraahim ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlkalkan uu ahaa mid lagu baacsaday cadow, islamarkaana ay xiligan ku mashquulsan yihiin raadinta qasaaraha dhabta ah ee cadowga gaaray.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan jirin wax khasaare ah oo hawl-galkaas ka soo gaaray ciidamada xoogga maadaama ay markii horeba ciidanku hayeen xogta tilmaamaysa in cadowgu ay qorshaynayeen inay soo weeraran ciidanka xoogga dalka.

Waa markii afaraad oo kooxda argagixisada Al-Shabaab ay guul daro kala kulmeen weeraro ay kusoo qaadeen ciidamada xooga dalka ee magaalada Buurdhuubo iyo guud ahaan magaaloyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada xoogga dalka ee Gobalka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here