Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal lagu baacsanayo Maleeshiyaadka Al Shabaab kawada Koonfurta Galgaduud “Dhageyso”

867

Ciidank Xoogga Dalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa howlgalo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al Shabaab kawada qeyb kamid ah Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Sooomaaliya.

Howgaladan ayaa loogu talo galay in lagu sifiiyo haraadiga Kooxda Al Shabaab waxaana inta badan laga sameeyey dhulka miyiga ah kaas oo dhanka Koonfureed ka xiga Degmada Gurceel waxaa si-isku mid ah u fulinaya Ciidanka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka.

Saraakiisha Ciidanka horkacaya oo uu lahadlayey Wariye Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo dhuuusamareeb Warbaahinta Qaranka uga soo waraya ayaa waxaa u sheegeen in dhamaan goobihii ay tageen ay mar sii horeysay isaga xarareen Maleeshiyaadka Al Shabaab xigaana ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug

Dhawaan ayaa Xafiis laga hago Howladaas waxa laga furay Deegaanka Ceel Qorax oo 40 KM dhanka Koonfureed ka xiga Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.

Dadka Deeganadda ay Ciidanku Howlgalka kawaadan dagan ayaa Ciidanka gacan ka siinaaya sidii ay Al Shabaab uga saari lahaayeen meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan Gobolka Galgaduud dhankiiisa Koonfureed.

Kooxda Al Shabaab ayaa dadka Shacabka ah ku dhibaateeya meelaha ay kaga sugan yihiibn Gobolada Galgaduud iyo Mudug, waxaana Masuuliyiin Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka ee Gobolkaas ku sugan balan qaadeen in Al Shabaab dhawaan laga saarayo Goboladaas meelaha ay kaga sugan yihiin.

Halkan ka dhageyso Warka Wariye Maxamed Deeq Cabdi Maxamed

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here