Ciidanka Xoogga oo ku sii jeeda Deegaannada Alshabaab ay ku sugan yihiin

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa ka waramay howlgallada ka socda deegaannada Gobolkaasi, iyadoo saraakiishu sheegeen in ay dhawaan ciidanka uu la wareegi doono degmada Baardheere.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ee Gobolka Gedo Cismaan Sheekh Cabdi ayaa sheegay in ay socdaan qorshe dhawaan ciidanka qalabka sida ay kula wareegayaa Deegaanno ka tirsan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

“Waxaan doonaynaa inaan Deegaanadaan ka sifayno Cadowga ciidammadda dagaalka galaya waa kuwo innaga naga mid ah oo Soomaali ah Dhawaanna Waxaan qaadaynaa Duullaan ka dhan ah kooxzda alshabaab innaga oo ka saari doonno goobaha deegaannadaas ay uga suganyihiin” Ayuu yiri Abaanduulaha ciidanka Dowladda ee Gobolka Gedo.

Dhawaanahaan waxaa Gobollada dalka ka socday qorshayaal kooxda Al-shabaab looga saarayo Deegaannada Gobollada dalka qaar ay uga sugan yihiin taas oo ka dhigaysa in shabaab laga saarayo guud ahaan goobaha dalka ay ka joogaan.