Ciidanka Xoogga Dalka oo Shabaab ka saarey deegaano ka tirsan Shabeelada Hoose

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa maant gaaray deegaanada Mareerey,Sabiible iyo Caanoole halkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen maleeshiyada SHabaab.

Maleeshiyadii Shabaab ayaa lagu soo waramaya in ay faarujiyeen deegaanadaasi markii ay dareemeen culeys militari oo kaga yimid ciidanka Xoogga Dalka oo u taagan sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga Difaaci lahaayeen Cadowga Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen deegaandaasi,taasi oo qeyb ka ah howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Shabaab.

Koxdii Shabaab oo deegaanadaasi ku sugnayd ayaa lagu soo waramaya in ay u kala firxadeeen howdka islamarkaana lagu raad joogo meelihii ay galeena ay ciidamadu uga daba tagayaan meelaha ay maleeshiyadaasi ku dhuumaalaysanayaan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here