Ciidanka Xoogga Dalka oo Shabaab ka saarey deegano katirsan Shabeelooyinka

724

Howlgaladani oo ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan deegaano katirsan Gobolada Shabeelooyinka ayaa waxaa Maleeshiyaadka Shabaab looga saarey deegaano dhowr ah oo katirsan labada Gobol.

Deegaanada ay Ciidamadaasi howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah Basra,Buulo-Kuuto,Daniga Baalow iyo Deegaanka Jabaluul oo dhamaan toodi ka kala tirsan Gobolada Shabeelooyinka.

Waxaa hoggaaminaya howlagaladaasi Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal C/llaahi Cali Caanood iyo abaanduulaha qeybta 12ka April Janaraal  MAxmuud Maxamed Koronto kuwaasi oo ciidamada ku dhiiro geliyay in Shacabka ay ka difaacaan cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Shabaab.

Janaraal C/llaahi Cali Caanood ayaa wakaaladda SONNA u sheegay in ujeedada guud ee howlgaladan ay yihiin sidii koxda Shabaab looga siweyn lahaa waddooyinka isku xira Gobolada Shabeelada Hoose iyo SHabelada Dhexe iyo deegaanada ku xeeran oo inta badan Shabaab ay dadka ku dhibaateeyeen.

Howlgaladani ayaa ku so beegmaya xili todobaadyadii la soo dhaafay Maleeshiyada Shabaab ay dad shacab ah ku laayeen miinooyin ay dhulka ku aaseeyen oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo wadada isku xirta labada gobol ku safrayay.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here