Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Al shabaab kala wareegay fariisamo cusub “SAWIRRO”

Ciidamada Gutada 15aad ee qeybta 21 aad iyo ciidamo ka tirsan Gor Gor ayaa maanta howlgalo lagu lagu baacsanayo kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab ka fulinayay deegaannada Miir dugul, Xersi fiin iyo  Bulacle, waxaana howlgalkaas hogaaminayay taliyaha Guutada 15 ee qeybta 21 aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ahna taliyaha amniga Galmudug General Mascuud Maxmed Warsame.

Ciidamadan loo carbiyaya baacsiga Alshabaab ayaa inta ay howlgalka wadeen waxa ay ku guuleysteen inay bur buriyaan fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen deegaanadaasi waxayna ciidamadaan ka tirsan Qeybta 21 aad fariisimo ka sameysteen deegaanadii ay howlgalka ka fuliyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here