Ciidanka Xoogga oo Gacanta ku dhigay Horjoogihii Sirdoonka ee Shabeelaha hoose+Sawirro

Xili labadii maalin ee ugu dambeeysay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ay kawadeen howlgalo lagu bur-burinayay degaanada ay ku dhuumaaleeysanayaan maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab ayaa howlgalkii baaritaanka ee ay manta kasameeyeen degaanada mubaarak iyo daarul-salaam waxeey kusoo qabteen horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan argagixisada al-shabaab.

Howlgalka oo ay fulinayeen ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo gor-gor ayaa waxeey gacanta kusoo dhigeen horjoogihii dhinaca sirdoonka gobolka shabeelada hoose Macalin Bilaal Jeeylaani Nuure iyo Cabdulaahi Maxamed Cabdi oo kamid ahaa horjoogayaasha sar –sare ee maxkamada gobolka shabeelada hoose sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga Dalka
G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in la soo qabtay maleeshiyaad gaarayo 5 kuwaasi oo ay ciidanka howlgalka ku soo qabteen.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska ayaa kordhiyay baacsiga maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here