Ciidanka Xoogga oo howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab kawada deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud

Ciidanka xoogga dalka qeyb-27-aad ayaa howl-gal qorshan oo ka dhan ah maleeshiyaad Al-shaab maanta kawada deegaanka Cada-xaar oo Bulacle ka xiga Qoraxsin Waqooyi magaalada dhuusamareeb halkaasi oo ay argagixisada ku dhibaateyn jireen shacabka.

Saraakiisha howlgalkan hogaaminaysa ayaa inoo sheegay inuu yahay mid Qorshihiisa hore la diyaarinayay lana sii wadi doono inta Argagixisada Al-Shabaab laga ciribtirayo deegaannada ay kaga sugan yihiin ama ay si dhuumaaleysi ah kun jogaan ee ka tirsan Galmudug.

Deegaannada Jihada Bari ka xiga magaalada Dhusamareb ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab Shacabka ku dhibaataynayeen muddooyinkii la soo dhaafay balse Ciidamada Xoogga ayaa ka jawaabay kuna baxay inay ka dulqaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here