Cisbitalka Kamaal oo ku guuleystay qalliin maskaxda looga sameeyay gabadh yar (Video+Sawirro)

3509

Dhaqaatiirta Cisbitalka Kaamil ayaa ku guuleystay ineey qalliin maskaxda ah ku sameeyaan gabadh yar oo maskaxda dhiig uga furmay.

Cisbitalka Kaamil oo ka yaala degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa waxaa hirgeliyay dhaqaatiir Soomaaliyeed oo wadaniyiin ah, wuxuuna cisbitaalku maalin kasta qaabilaa bukaanno farabadan oo qaba xanuunno kala duwan.

Maamulka cisbitalka Kaamil Dr. Cabaas Xaaji Cabdullaahi Fiiqow ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dhaqaatiirta cisbitalku ku guuleeysteen qalliin ay gabadh yar uga sameeyeen maskaxda, kadib markii uu dhiig uga furmay.

Dr. Cabaas oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in xaaladda gabadhaasi ay wanaagsantahay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in qalliinkani uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo lagu sameeyo gudaha dalka.

Wuxuu tilmaamay in cisbitalku ku howlgalo qalab casri ah oo lagu baaro laguna qalo xanuunnada halista ah ee inta badan dalka dibadiisa loo aadi jiray, isagoo xusay in cisbitalka ay ka howlgalaan dhaqaatiir qibrad iyo aqoon urugsan u leh daweynta iyo qalliinadaba.

Dr. C/raxman oo ah dhaqtar Masari ah oo ka howlgala cisbitalka Kaamil islamarkaana isagu fuliyay qalliinka gabadha looga sameeyay maskaxda,ayaa sheegay in uu dalka u yimid sidii uu ummaadda Soomaaliyeed uga caawin lahaa qalliinada maskaxda, wuxuuna tilmaamay in xaaladda gabadhu ay aad u wanaagsantahay.

Abbaha dhalay gabadhaasi laga qalay maskaxda ayaa sheegay in gabadhiisa markii uu geynayay cisbitalka Kaamil ay ku jirtay xaalad miyir la’aan ah, balse markii qalliinka lagu sameeyay ay xaaladdeeda caafimaad soo hagaagtay, uxuuna u mahadceliyay maamulka cisbitalka Kaamil iyo dhaqtarka qalay gabadha.

Qallinka maskaxda ah ee uu fuliyay cisbitalka Kaamil ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu sameeyo gudaha dalka, waxayna arrintani ku timid dadaal dheeraad ah oo ay sameeyeen dhaqaatiir muxsiniin ah oo iyagu Muqdisho ka hirgeliyay cisbitalka Kaamil.

DSC04664

DSC04665

DSC04666

DSC04667

DSC04670

DSC04671

DSC04672

DSC04673

DSC04674

DSC04675

DSC04676

DSC04678

DSC04679

DSC04680

DSC04682

DSC04683

DSC04685

DSC04686

DSC04689

DSC04693

DSC04695

DSC04696

DSC04697

DSC04699

DSC04703

DSC04704

DSC04705

DSC04706

DSC04708

DSC04716

DSC04717

DSC04724

DSC04729

DSC04732

DSC04734

DSC04735

DSC04736

DSC04738

DSC04739

DSC04741

DSC04742

DSC04743

DSC04744

DSC04747

DSC04748

DSC04750

DSC04752

DSC04753

DSC04754

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waa illaaheey mahadii sida xowliga leh ee wadankeeni maalinkasta horumarkiisu u sii siyaadaayo , waxaana muuqata in wadankeeni hadaan anagu mar hore gacanteena ku burburinay aan maantana anagu gacmaheeni markale ku dhisayno, taasina waxeey ka timid fikir wadani ah oo fahmay in aanoow wadankeena nabadiisa iyo horumarkiisa soo celin karin qof shisheeye ah hadaanan anagu go,aansan in aan u istaagno sidaan cisadii iyo nabadii wadankeena usoo celin laheen.

    aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay isbitaalkaan laga dhisay degmada dayniile waxaana leenahay illaaheey abaalkooda haka dhigo jano dadki ka qayb qaatay hirgalinta isbitaalkaan, taqtarka walaalkeena masriga ahna illaahay jasahiisa jano haka dhigo waayo waxoow nooga yimid meel dheer si oow noo garab istaago.

    kama dambeybti waxaan illaaheey ka baryayaa in oow noo siyaadiyo ciso iyo sharaf dowladeena illaaheey garab galo shacabkeenana illaaheey walaaleeyo wadankeenana shar iyo shaydaan ka xifdiyo aamiin yaa rabbi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here