Tartanka kubada cagta ee ka socdo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan islamarkana lagu taageeraayo Shirka dib u heshiisiinta iyo aayo katalinta gobolka Hiiraan, ayaa maanta la ciyaaray ciyaarta kama dambeynta ah.
Tartankan ay soo qaban qaabiyeen Ururka Dhalinyarada gobolka Hiiraan,iyo Ururka Dhalinyarada ee Gargaar ee ka dhisan dhamaan wadamada yurub,iyo Ururka Somali youth change oo ka dhisan wadanka Denmark.waxana koobkaan lagu taageeraayayay shirka dib u heshiisiinta iyo aayo katalinta gobolka Hiiraan.
Ciyaartii finalka aheyd ee la wada sugaayay waxaa galabta fooda is daray labada koox ee ka kala soday Xaafadaha Bundaweyn iyo Xaawa Taako,waxey aheyd ciyaar aad u kulul,ciyaarta markii ay bilaabatay qeybta hore waxaa gool ku hormaray xaafada Xaawa-Tako isla daqiiqado kadib waxaa bar barihii la imaaday Kooxda Bundaweyn,ciyaarta waqtigeedii waxuu ku soo dhamaaday barbaro hal iyo hal ah.
kadib waxaa loo dhigay gool kulaad (Rigoorayaal) 4 iyo 3 waxey guushu ku raacday kooxdii ka socotay Xaafada Bundaweyn.
Ururka Dhalinyarda gobolka Hiiraan Youth Organization – HYO waxuu umahad celinaayaa Ururada mataanaha la ah ee Uruka Dhalinyarada Dhalinta Gargaar iyo Somali Youth Change oo suurta geliyay in uu koobkaan bilawdo.