Ciyaartii furitaanka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo lagu kala adkaan waayay “SAWIRRO”

Ciyaaraha kubadda cagta dowlad goboleedyada ee gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmiya uga furmay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana lagu daah furay cayaartooyda u kala ciyaaraya  Galmudug iyo Banaadir.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaraha Soomaaliya, mudane Xamse Saciid Xamse, ayaa daah furay tartanka waxaana ku wehliyay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta, Cabdiqani Siciid Carab iyo qaar ka mida wasiirada maamul goboleedyada ee ciyaaraha.

Ciyaartii galabta dhex martay labada maamul goboleed ayaa waxay ku soo idlaatay bar-baro 2-2 ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here