Ciyaaryahan Samuel Eto’o oo Ku Biiray Kooxda Sampdoria ee Dalka Talyaaniga

978

Ciyaaryahan Samuel Eto’o ayaa si xur ah ugu biiray Sampdoria ee dalka talyaaniga,isagoo ka tegay kooxda Everton oo ka ciyaarta horyaalka Premier League-ga.

Tababaraha kooxda Sampdoria Sinisa Mihajlovic ayaa horey u xaqiijiyay in ciyaaryahan Eto’o uu ku soo biirayo kooxda uu hogaamiyo.

Ciyaaryahan Eto’o oo 33-jir ayaa tijaabo caafimaad ku soo maray magaalada Rome ee caasimadda dalka talyaaniga.

Ciyaaryahan Eto’o ayaa taageerayaasha kooxda Sampdoria loo soo bandhigi doonaa ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta ay kooxda Sampdoria axada la ciyaareyso kooxda Palermo.

Kooxda Sampdoria ayaa kaalinta sedaxaad uga jirto horyaalka talyaaniga,waxana ay min 33-dhibcood wada leeyihiin kooxda Napoli.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here