R.wasaaraha: “Dhlainyarada maanta joogta waa iney la yimaadaan wadaninimo iyo dal jacayl si cadowga meel looga soo wada jeesto”

1425

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa ku tilmaamay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed inay shacabkeena ugu fadhiso qiimo weyn, baal dahab ahna kaga jirto taariikhda Soomaaliya, ayna hormuud u ahayd dhalashadii xoriyadaan aan maanta haysano.

Ra’iiusl Wasaaraha ayaa sheegay in umad walba ay leedahay maalin ay bilowday halganka ay ku heshay xornimada, waxaa 72 sano ka hor isu yimid dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey dhibaatooyinkii uu gumaystuhu ku hayey shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta oo kale 15 May 1943, waxaa dhidibada loo taagay Ururkii la magaca baxay SYC ( Soomaali Youth Club ) waxaana asaaskiisa iska lahaa 13 dhalinyaro Soomaaliyeed, sanadkii 1947 ayaa si rasmi ah waxaa loo qaatay magaca SYL, (Somali Youth League), waxaana xiligaas qaarada ka jiray kacdoon ka dhan ah Gumaysiga. Calankaan buluuga ah oo dusheena ka babanaya waxaa loo soo maray hanashadiisa halgan dheer oo dhiig ku daatay, waxaa lagu waayey maal faro badan” ayuu yiri RW Sharmarke.

Dhanka waxaa kale oo uu  sheegay inaan meesha laga saari karin doorka gabdhaha Soomaaliyeed ay ku lahaayeen xornimo doonka, waxayna muujiyeen taageero dhankasta ah, , waxaana si gaar ah u xasuusanaynaa Xaawo Cusmaan “Xaawo Taako” oo gumaystuhu ku dileen afaafka hore ee xarunta dhalinyarada SYL.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay in wakhtiga aan joogno uu ka adag yahay marxaladdii taagnayd xilligii SYL. “Waxaa maanta jira codow maalin iyo habeen u taagaan ciribtirka shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagama maarmaan ah inaan muujino midnimo si wadanka looga xoreeyo cadowgaan muqaalka Soomaaliyeed leh. Waana lagama maarmaan i dhalinyaraddu qaataan maanta kaalintii ay qaateen dhalinyaradii xornimada keentay”

Ugu danbayntii RW ayaa ugu baaqaya dhalinyarada Soomaaliyeed iney u soo jeestaan horumarka dalkooda, kana waan toobaan tahriibka iyo iney ka bar-bar dagaalamaan kooxaha xagjirka ah ”maanta waxaa dalka jooga dhalinyaro ka aqoon badan 13-kii asaasay SYL, balse waxaa looga baahan yahay iney la yimaadaan wadaniyad iyo dal Jacayl, waana taa mida dhalinyaradii joogtay xiligaas ay ku gaareen hanashada xoriyadda” ayuu yiri RW Cumar.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here