Daacish mise Al-Qaacida? Mustaqbalka UGUS –Warbixin By AFP

0
1460

Kooxda UGUS ayaa ku kala qeybsan in ay ku biiraan Daacish ama in ay ku baaqi ahaadaan Al-Qaacida sida laga soo xigtay ilo muhiim ah oo kooxda ka tirsan, falanqeeyiyaal iyo oadaasha dhaqanka.

Qeybsankan ayaa yimid markii kooxda sheegata dowladda Islaamka ee dalalka Suuriya iyo Ciraaq dabacsanaan badan u sameeyeen kooxaha argagaxisada ah ee wadamo badan oo caalmaka ah ka jira sida kooxda Booko Xaram ee dalka Nigeria, iyadoona  Al-Qaacida ay isku balaarineyso deegaano badan oo ka tirsan dalka Yemen.

” Waxay tahay sababta ay layaab u noqotay in la maqlo Al Shabaab in ay ku biirayaan Daacish? dhamaan Muslimiinta waa in ay u midoobaan cadowgooda,” waxaa sidaa sheegay horjooge ka tirsan kooxda UGUS oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP kaas oo magaciisa qariyay.

Horjoogahan ayaa sidoo kale sheegay ” aad ayaa u danaynaa in aan ku biirno xoogaga si looga adkaado cadowga “.

Arintan ayaa timid markii kooxdan nabad diidka ah ee UGUS ay Ciidanka xooga dalka iyo kuwo midowga Afrika ee AMISOM ay ka saareen deegaano badan oo Soomaaliya ka tirsan hase yeeshee waxaa ay isku dayayaan in ay sameeyaan dagaalo dhuumaaleysi ah iyo weeraro is qarxin ah oo u muuqdo kuwo bartilmaameedkoodu yahay shacabka ku nool Soomaaliya iyo Kenya.

Dhowaan kooxda UGUS waxaa ay dileen 148 oo u badnaa arday wax ka baranaysay jaamacadda Gaarisa,halka weerar is qarxin ah ay ku qaadeen Hotel Makah al-mukarama waxay sidoo kale beegsadeen maqaayad ku taala isla magaalada Muqdisho ayagoo weerar la eegtay gaari ay la heyd Qaramada Midoobay oo marayay magaalada Garoowe.

2013 waxaa ay UGUS weerareen suuqa Westgate oo ku yaala Nairobi, kadib markii sida la sheegay ay Afar ka tirsan kooxda nabad diidka ah ee UGUS ay gudaha u galeen dhismaha suuqaasi ayagoo dad badan ku laayay halkaasi.

Laakiin weerarka Jaamacada Gaarisa ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa,ragga halkaasi weeraray ayaa dadkii dhismaha Jaamacadda ku jirey intii ay kareen saf geliyay isla markaana wada toogtay, waxayna aheyd qaabkii laga bartay dhiig u oomaniyaasha ee Daacish kuwaas oo loogu bartay in ay fuliyaan leynta dad aad u badan isla markaana la soo dhiga barta internet-ka waana waxa ay kooxdan rajo beelka ah UGUS ay hadda sameynayso.

“Waxaa gacantooda ka baxay dhul balaaran oo ay maamuli jireen kooxdan, waxaana laga yaabaa in ku biiritaanka kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Suuriya iyo Ciraaq ka heli karaan dhaqaale iyo taageero niyadeed,” waxaa sidaas qaba Maxamed Ibraahim oo ah sakaal ka tirsan hey’adaha amniga ee Soomaaliya.

Waxaa qortay AFP

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here