DAAWO: Madaxweynaha JFS Soomaaliya oo saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof oo shacab ah Masjidka Isbahaysiga Islaamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isu damqasho iyo is garab qabasho, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga dalka si dalka looga cirib tiro argagixisada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka magaalada Muqdisho dulqaadka ay sameeyeen intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna ku bogaadiyay laamaha amniga sida ay qorraxda iyo dhaxanta ugu taagnaayeen in ay dhiigga shacabka ka badbaadiyaan kooxaha horarka ah ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof oo shacab ah Masjidka Isbahaysiga Islaamka

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof oo shacab ah Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isu damqasho iyo is garab qabasho, lana shaqeeyaan laamaha amniga si kooxaha argagixisada ah dalka looga tirtiro.

Posted by Villa Somalia on Friday, June 15, 2018

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here