DAAWO: Micheal Keating oo ka waramaya colaadda, Abaaraha, horumarka doorashooyinka iyo la dagaallanka argagixisada

Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay ee arrrimaha Soomaaliya, Danjire Michael Keating ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Warbaahinta Qaranka, kaga waramay arrimo badan oo xaalada dalka ku saabsan, Hadaba Akhriso Su’aalaha iyo Jawaabaha uu ka bixiyay Danjiraha.

Su’aal 1: Markii aad magaalada Muqdisho timid, sidee buu ahaa fikirkaaga ku aaadan Soomaaliya, hadda oo aad mudda ka shaqaynaysa waa sidee qiimayntaada guud ahaan?

Jawaab1: Hagaag, waxaan Muqdisho imid January, 2016, laakiin waxan ku qaatay halkan qayb kamida carruurnimadayda horaantii 1977-dii, waan xasuustaa Muqdisho, muddo laga jooga 40 sano. Waxaan sidoo kale imid halkan sannadii 1992 haddana mar kale 1994-tii, sidaa darteed, waxa aan Muqdisho arkay marxalado kala duwan. Waxa xiisaha leh ee joogistayda halkan Soomaaliya waxa uu yahay in dalka uu ku jiro safar siyaasadeed oo uu isku dayayo in uu dhiso aas-aas gun leh oo ay Soomaalida oo idil ay kuwada noolaan karaan si nabbad ah. Dawlad noocee bay doonayaan, yaa mas’uul uga noqonaya?, haddii ay ahaan habka sharciga ah ama dawladda, haddii ay noqon lahayd ciidanka, booliska, ama waxbarashada. Aniga sharaf bay ii tahay inaan jooga meel ay sheeko balaaran ay ka dhacayso oo ay u dhaxayso dad da’yar, haween, wax garadka, odayaasha beelaha. Dal noocee baan doonaynaa? Taasi xiiso ayey leedahay kadib tabonaan sano oo dagaalo ah. Khilaafyo dhowr ah baa loo bedelay siyaasada lagana soo weeciyey rabshado. sharaf bay ii tahay in marxalad mas’uuliyaddayda wax ka sameeyo taariikhda Soomaaliya.

Su’aal2: Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika waxa ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab, qayb ahaana waa laga guulaystay, iyaga laftooda waxa ay u qayb-sameen laba garab- IS iyo Shabaab, maxaa hurumar ah baa kaaga muuqda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab?

Jawaab2: Hagaag, sannadihii lasoo dhaafay, AMISOM oo la shaqaynaysa ciidamada amaanka Soomaaliya waxa ay Shabaab ka xureeyeen magaalooyin waawayn balse Al-Shabaab weli waxa ay maamulaan dhul badan oo miyiga dalka ah, nasiib daro waxa ay haystaan xuriyo dhaq-dhaqaaq ama socod ah, Al-Shabaab waxa ay bedeleen xeeladoodii tan iyo intii laga saaray magaaloyinka. caqabaddu waxa ay tahay haddii ciidanka qalabka sida Sooomaaliya, iyo dabcan kuwa AMISOM ay igagana bedeli karaan xeeladda si wax uga qabtaan  habka cusub ee Al-Shabaab,  awooda sida xurta ah ee ay uga dhaq-dhaqaaqaan iyo weerarada waaweyn ee ay ka gaystaan magaalooyinka oo aan Muqdisho aan ku aragno lafteeda, laakiin waxan u maleynayaa in ujeedada uga muhiimsan ay tahay in Soomaaliya ay qaadato Mas’uuliyad buuxdo oo ku aadan amaankooda, tani macnaheeda waa in la wada shaqeeyo si loo dhiso ciidanka amaanka Soomaaliya. Si loo helo ciidan dhisan oo la aamini karo joogana Bosaaso oo woqoyiga Soomaaliya, Kismayo koofurta iyo Beledweyne oo bartamaha dalka ah, Muqdisho Gaalkacyo iyo Baydhaba. Caqabada waa ciidan ay leeyahiin dawlad goboleedyada oo la aamini karo sidii loo dhisi lahaa marka ay noqoto, qoridooda, hab maamulkooda, habla xisaabtanka siyaasadeed, taasi waa talaabo wayn. Waxaa sidoo kale jira farqi ah ciidan iyo boolis- waayo meel walba ciidan uma baahnid, waxaad u baahan tahay boolis  suga amaanka balse maliteri loogama baahno meel walba.

Su’aal3: Waxaa jooga ciidanka AMISOM oo 220’000, (labo iyo labaatan kun) waxaa ay joogaan muddo 10-sano ah waxana ay qaataan mushaar fiican oo askariga AMISOM baa qaata 1200 dollar halka askariga Soomaaliyga aan intaas qaadan, maxaa ku jaban in beesha Caalamka ay taageerota Ciidanka Xoogga dalka si loo dhiso, loona maal geliyo ciidanka Soomaaliya?

Jawaab3: marka hore, 220’000 ee askari ma joogaan Muqdisho waxa ay kala joogaan gobalada dalka qaar,Puntland ma joogaan, Ciidan meel walba oo la jooga waa qaali, dhaqaale caafimaad leh waa mid lagu helo canshuurta la qaado si loo awooda in la taageero ciidankaaga, iyo ciidankaaga haddii ay Soomaaliya ku guuleysato midnimadeeda, sharafkeeda oo aysan ku tiirsanaan dunida inteeda kale in ciidankooda, booliska ay mushaar siiyaan, waa la sameeyo canshuur qaadis si loogu fuliyo adeegyada ammaanka, dabcan caafimaad iyo waxbarashada. Waxan u malaynayaa in arrinka muhiimka ah uu yahay sidee bay Soomaaliya u xoojin kartaa adeegyada ay dawlada bixiso si ganacsiga ama muwaadiniinta ay diyaar u noqdaan in ay bixiyaan canshuuraha.

Su’aashaada haddii aan ka jawaabo, Soomaaliya waa in ay ciidankeeda ay mushaar siisataa, dabcan taasina wakhti bay qaadanaysaa, 2, beesha Caalamka waxa ay siinaysaa lacag badan ciidanka ammaanka Soomaaliya, Soomaaliya ayey u taala nooca ciidanka ay yeelanayso. Waana in ciidankaas uu tagi karaa meelwalba oo dalka kamida, ayna noqdaan kuwa aqbalo oo la aamino. Arrimahana waan kala hadlay mas’uuliyiinta dawlada iyo qof walba in ay sidan doonayaan. Doorashooyinka marka laga gudbo ayey tahay in ahmiyad la saaro arrimaha ciidanka, waxaan hubaa in bulshada Caalamkana ay waa yahay dhihi doonta oo ay gacan ka gaysanayaan. Laakiin waa in la helaa heshiis siyaasadeed marka hore.

Su’aal4: Soo muhiim ma ahan in  cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya in laga qaado si loo dhiso ciidanka Soomaaliya?

Jawaab4: Hagaag, ma ahan aragtida golaha ammaanka Qaramada Midoobay, walaaca golaha ammaanka QM waa in uusan ku dhicin hubka gacanta Al-Shabaab ama xag-jiriin kale, illaa laga helayo maamul adag oo ilaaliya hubkan, Qaramada Midoobay ma ogola in cunaqabataynta hubka Soomaaliya la qaado, Waxaa jirta codsi dawlada samaysay oo hubka qaarkii ah, kaas waa suura-gal.

Su’aal5: Qaar kamida Ciidanka AMISOM baa iskaga baxay qaybo kamida gobalada dalka sida koonfur galbeed iyo bartamada Soomaaliya, Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday meelaha ay baneeyeen ciidankaas, soow dib u dhac kuma ahan dagaalka ka dhan Al-Shabaab?

Jawaab5: Haa, Waxa ay ila tahay inaad kala hadasho AMISOM ka bixitaanka ciidanka, waxa aan ogaaday ee ku aadan ka bixitaanka ciidankan waa arrimo dhaqaale, waxa sidoo kale la ii sheegay in  aysan strategic ahayn meelaha ay ka baxeen, balse dhib ayey ku tahay dadka deegaanka ah, aad baan uga walaacsanahay arrintaasi. Haddii ay ciidanka Midowga Afrika ka baxeen oo aan ciidanka Soomaalidana aanay haysan awooda ammaanka ku sugaan meelahaasi, taasi waxa ay keeni kartaa dhibaato wayn oo ay kamid tahay in Al-Shabab soo laabato, barakac iyo wax walba ay dahcaan.

Su’aal6: Gaalkacyo, waxaa ka dhacay dagaal dad badan ay ku dhinteen oo 80’000 in kabadan ku barakaceen una dhaxeeyey maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaa jiray dadaalo nabbadeed oo uu xafiiskaaga qayb ka ahaa maxaa u dambeeyey heshiisyadii loogu kala dab-qaadayey dhinacyadaas?

Jawaab6: Sida aad ogtahay nabbad sahal ahayn baa ka jirtay Galkaacyo tobanaankii sano ee ina soo dhafay, kadib heshiiskii lakala saxiixday 90-meeyadii, markii colaadda ka qaraxday halkaas 2015-kii haddana waxaa jiray heshiis kale oo uu gar-wadeen ka ahaa Ra’isul wasaaraha, Madaxweynayaasha Galmudug, Guleed iyo Puntland, Gaas, Sheekada waa mid adag oo ku lug leh muran leh isticmaalka khayraadka, xaduudda iyo meeqaamka Mudug iyo arrimo dastuuri ah, waa sheeko aad u adag. Laakiin waxa u dambeeyey waa in la garawsaday in laga wada xaajooda xalinta mashaakilka, waxaana habkaasi loo mareeyay heerar kala duwan, labada dhinac, Heer Qaran iyo dhamaan bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo, weli waxaa jirta is aamin daro, waxa aan sameeyey waxaan tagay Gaalkacyo laba jeer, iyo dadaalka Ra’isulwasaaraha in la taageero si  labada dhinac ay u gaaraan heshiis xabbad joojin ah 10 cisho ee ina soo dhaafay, marka heshiis uu dhaqan gelo oo la ixtiraamo haddan la bilaabo wada xaajoodka lagu sii wada karo oo lagu dhamaynayo khilaafka. Aniga waxa ay ila tahay in Soomaalida ay xalka ay iyada ka gaari karto mishaakilka dhexdooda,QM waxba kama qaban karto balse waxan caawin karnaa in ay xal gaaraan, anaga oo siinayn lacag, taageero farsamo iyo dhiiri-gelin siyaasadeed. Balse waa in ay Soomaalida diyaar u tahay iney isku daydo in xaliaan dhibaatadan, taasi ayaa ah waxa aan rajeynayo.

Su’aal7: Colaadda magaalada Gaalkacyo waxaa ku barakacay dad ka badan 80’000, waxaa sidoo kale gobalo Soomaaliya ku dhuftay abaaro daran, Maxay tahay jawaabta beni’aadinimo ee ay QM dadkaas u fidinayso?

Jawaab7: Hagaag, jawaabta iska cadi waa inaan dhaho, cabashada xaalada beni’aadanimo waa ay sii kordhaysaa haddii  muranadan la xalinin, habka uga wanaagsan ee baahida beni’aadanimo wax looga qaban karo waa Siyaasad, waa inaad heshaa xal siyaasadeed, si muranka aan u sababin rabshado iyo barakac badan, jawaabta 2-aad  waa in la caawiyo iyadoo loo marayo mas’uuliyiinta deegaanka, waxa halkaa noo jooga saaxiibo oo isku dayaya in ay kaalmi deg deg ah gaarsiiyaan dadkan ayna dadka barakacay ku dhiiri-geliyaan in ay soo guryo noqdaan.

Sida aad sheegtay abaar daran baa jirta,aad baan u xunahay abaaraha, dhawr miliyan oo Soomaaliya ayey samaysay, waxaan aamin sanahay in xaalad daran cuni yari ay hasato, hadda oo aan hadlayno waxaa da’aya roob, wuu soo daahay roobka, dad badan ayaa iska iibiyey hantidooda, xoolahooda noolaa, waxa ay iska iibiyeen wax kasta oo ay haysteen, mana haystaan awood ay ku xanaaneeyaan qoysaskooda. Dawlada soo socota ayaa ahmiyadeeda ah iney saarto oo wax ka qabato dhibaatan, waxa ayna sameynaysaa shaqooyin iyo dhaqaale wax ku ool ah oo ruux kasta ka difaacda in uu meel kale ku tiirsanaado, Xal wakhti fog ayaan u baahanahay inaan ka gaarno.

Su’aal8: Marka laga sootago dib u dhacyada ku yimid hir-gelinta hanaanka doorashada dalka Soomaaliya, kal sooni maku qabtaa in hawlaha harsan ay wakhtigooda ku soo dhamaadaan?

Jawaab8: Marka Soomaaliya laga hadlayo wax walba wakhtigooda lama dhihi karo ha dhaceen, wax baa is bedelaya. Hanaanka doorashada dib u dhac baa hore uga yimid, lix bilood ka hor dad badan baa ilaaha “Hii yac ma hubi hanaanka doorasho uu ebed dhici doona, waxa uu noqon doonaa sannad kadib”, warka wanaagsan waa in ay dhacayso, aqalka sare waa la doortay, hadda 40% kiiba aqalka hoose waa lasoo doortay, dareen farxad leh baa jira oo la arkayo loolan dhab ah, dad codaynayo, haween siyaasadda ku fir-fircoon iyo in la arko doorashada ay dhacayso, waxaan aamin sanahay in aan dhamaystiri doono hanaankan, waxaa suura gal ah in 10 cisho ee soo socda ay ku dhamaystirmayso ama kadib ayna xubnaha aqalka sare iyo kuwa hoose ay imaanayaan Muqdisho oo ay dooranayaan afhayeen kadiba ay doortaan Madaxweyne, haa waan ku kalsoonahay waa ay dhacaysaa.

Su’aal9: Hadda sagaal casha ayaa ka hartay xilliga doorashada madaxtinimo loo balansanaa, November 30-keeda, marka ma waxa aad leedahay wax walbo sidii loogu tala galay bay u socdaan oo wakhtigeeda ayey dhacaysaa?

Jawaab9: Wakhtiga wuu is bedelayaa, hore wuxuu ahaa August, Septemberer, October iyo November. Waxaan leeyahay wakhtiga la mudaysto Soomaaliya ma ahan kan Switzerland, waa ay kala duwan yihiin. Laakiin waxan filayaa in ay dhacayso, waana ay dhacaysaa waan ku celinayaa. Lama dhamaystirin doorashada aqalka hoose balse waxa aan heli doonaa guntin ( Quaram) ah 194 kursi shan maalin gudahood, 30-kana hore ayaa loo soconayaa, doorashada afhayeenada labada ah ee kala ah kan aqalka sare iyo Aqalka Hoose, balse waxan rajeynayaa in badi xubnaha barlamanka la soo dhamaystiro si ruux kasta uu u yimaado Muqdisho loona doorto afhayeenka Baarlamanka.

Su’aal10:Inkesta oo ay jiraan gudiyo doorasho oo madax banaan oo heer Federaal iyo heer dawlada gobaleed, haddana waxaa jira cadaadis ka imaanayo dhanka beesha caalamka ee hogaankaaga hoos yimaada, tani waxa ay keentay su’aal ah in gudiyada doorashada madax banaan yihiin iyo kale, maxaad uga jawaabaysa kuwa xafiiskaaga ku dhaliilaya fara-gelin, waxa ay sidoo kale arkaan bayaano saxafi sida kuwa ka hadlayay xubno leh taariikh xun ama rabshado, qoondada haweenka iyo arrimo kale?

Jawaab10. Habkan QM midoobay ma go’aamin ee Soomaaliya ayuu u gaar yahay, hanaankan wuxuu ku yimid wada xaajood qaatay sannad iyo bar oo Soomaali dhexdeeda ah, tirada ergada, tirade kuraasta oo idil, shaqadeenu waxa ay ahayd dhiiri-gelin iyo jadwalka la dhowro, marka xigtana inaan barno waaya aragnimadeena ku aadan doorashooyinka kale ee dunida.

Su’aal11: Saaxibada Caalamiga ah waxa ay ka shaqeeyaan hanaanka Dimoqraadiyada iyo rabitaan shacbiga Soomaaliyeed, haddan dhanka kale waxaad si khasab ah isugu daydaan inaad ka joojisaan shaqsiyaad qaar in ay kamid noqdaan xubnaha baarlamanka, sida aad war qabtid qofka dambiile lama dhihi karo illaa ay maxkamadi ku cadayso, dadka qaar waxa ay ku doodayaan in Soomaaliya u baahan tahay dib u heshiisiin, aan dibna loo fiirin ruux leh taariikh xun, Maxay tahay aragtidaada?

Jawaab11: Waayo Nidaamka garsoorka malahan awood, wayna adagtahay in ay ku cadayso shaqsiyaadka iney leeyihin taariikh dagaalo ama ay dambiyo geleen illaa ay ku jiraan liis heer caalami ah, haddii kale waxay u taala Soomaalida maqnaashaha hay’ado xoogan oo dhinaca dambiyada ah.

Su’aal12: Waxaa wada hadalo u socda Soomaaliya iyo Somaliland, Seed u aragtaa midnimada Soomaaliya?

Jawaab12:Haddii ay doonayaan Soomaaliya iyo Soomaaliland in ay wada hadlayaan, dad kale waxba kama gelin xitaa Qaramada Midoobay, oo ay arkaan in ay leeyihiin dan guud oo wax badan ka dhaxeeyo, waxa ay ka hadli karaan bay’ada, abaarta, duulimaadka, waxaa jira arrimo badan oo ay ka wada hadli karaan Soomaaliland iyo Soomaaliya oo ka wada dhaxeeya. Waxaa jira jilayaal kale oo ka shaqaynaya in labada dhinac ay wada fariistaan oo ay ka hadlaan arrimahooda, QM lama waydiisan in uu wax ka ciyaaro arrimahan.

Su’aal13:Ambassador, Waxa aad Soomaaliya joogtay Wakhti badan iyo sannado kala duwan, Af-Soomaaliga ma taqaano oo maku hadli taqaanaa?

Jawaab13:Waan ceebsanayaa inaan dhaho Soomaaligaygu wuu liitaa, Waxan dhihi karaa wax yar, Hambalyo ayaa ah waxyaabaha uga muhiimsan, Inkasta oo doorashada socota ay dhibaato badan leedahay oo musuq iyo handadaad haddana waxa aaan leeyahay “Hambalyo”.kkkkkkk

Su’aal14:Maxay tahay fariinta aad u gudbineysa shacbiga Soomaaliyeed ee kaa daawanaya Telefishinka Qaranka?

Jawaab14:Fariintayda waxa ay tahay in koox cusub ay ka mid noqon doonta baarlamanka, waa inaad aragtaan waxa ay idin qabanayaan, waayo taasi waa waxa Baarlamanka iyo dawladda khusaysa ee ah in ay dadka u adeegaan, marka aan arko xubnahaas waxan su’aalaa waxa uu u qabanayo shacbiga, waxa uu qorshahooda uu yahay, bal in ay wax ka qabtaan baahi jira ee dalkan uu u baahan yahay.

Mahadsanid:- Ambassador, Micheal Keating, Ergayga gaarka ee QM arrimaha Soomaaliya, oo wareysigan siinayayey Warbaahinta Qaranka

Waxaa waraystay oo tarjumay:

Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

E-mail: blackcobra33@hotmail.com

Daawo

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here