DAAWO: Ra’iisul Wasaaraha iyo Mas’uuliyiin kale oo la afuray ciidamada ku guda jira xasilinta caasimadda

6252

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya oo ay weliyaan Wasiirka Amniga,Wasiirka dhallinyarada, guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayaa galabta kula afuray qaar ka mid ah dawooyin Caasimadda ciidanka ku guda jira  xalisinta Muqdisho, si ay ugu dhiiri geliyaan howsha Wanaagsan ee ay u hayaan isla markaana loogu muujiyo in Madaxda Dowladdu ay garab tagan yihiin.

 

Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa  samaysay Afurka, Wasiirka Amniga gudaha  iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wadada ugu qaybinayey rashinka ka hor afurka dadka masaakiinta ah ee waddooyin qaar ku sugnaa.

 

Ra’iisul Waaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya  iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa si caadi ah ula afurayey askarta, iyagoo aad ugu faraxsanaa in ay arkaan madaxda dowladda oo  waddada hareeraheeda kula afuraya ciidamada.

 

Wasiirka dhallinyarada Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed  Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay  afurka caawa ay la furayaan Ciidanka Qaranka ay qayb ka tahay amarka Ra’iisul wasaraha ee ku aadan dhiiri gelinta Ciidanka.

 

Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya oo la hadlay askartii uu la afuray ayaa  tilmaamay  in Xukuumadda ay ka go’an tahay dhiiri gelinta iyo sare uqaadidda muraalka ciidanka,  si loogu guuleyso xasilinta Amniga Dalka, gaar ahaan Muqdisho.

 

Intaa kadib ayaa Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay socod dheer oo lug ah ku  ka soo mareen   Wadada taleex ee Degmada Hodan, iyagoo ku tagay  Hotel Jaseera  ee Degmadda Wadajir  iyo qeybo ka mid ah degmada  Waabari, waxa ayna u kuur galayeen sida uu socda howlgalka ciidanka ay ku xasilinayaan Muqdisho, iyagoo Dadka ku ganacsanayey laamiga way diinayey Xaaladda amni.

 

Ra’iisul wasaraha ayaa Hotelada ku yalla Muqdisho Kula shaah cabay  muwadiin Soomaaliyeed oo halkasi ku sugnaa, iyagoo  farayey in ay la shaqeeyaan Dowladda ayna soo gudbiyaan talooyinka ku aadan dhismaha dowladdnimada Soomaaliya.

Halkan ka daawo muuqaalka oo dhameystiran

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Waxa aad sameyseen waa wax aad u wanaagsan, waa wax qofkii damiir leh qiiro galin kara.

    Qodobada aan isleeyahay amniga waa lagu adkeyn karaa.
    1. Ciidanka in mobilada laga aruuriyo xili kasta oo la hawl galinayo, si cadawga aan daaqad loogu furin.
    2. In ciidanka markasta heegan buuxa ku jiro oo eysan dhicin in la is dhigto si cadawga aan daaqad loogu furin. Nb. Ciidan qayila ciidan maaha!!!

    3. Iftiinka oo la badiyo iyo baala yaasha oo kaamirado qarsoon lagu xiro si cadawga hagardaamooyinkiisa looga hortago.

    4. In la sameeyo xafiisyo guryaha kireeya oo lagula xiaaabtamo si qofka guriga leh uusan uga kireyn cidduu doono si looga hortago inuu cadawga daris kula noqdo. Sidoo kale in la helo xafiis tirokooba dadka muqdisho guri guri wixii kusoo kordhana laga diiwaan geliyo.

    Waxey ila tahay iney aad muhiim noogu tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here