Daawo Sawirrada: Dibadbax ay ka qeybgaleen Soomaali oo ka dhacay magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota

7787

Magaalada St. Cloud  oo ka tirsan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa ka dhacay banaanbax ay bulshooyinka halkaasi ku nool oo ay Soomaalidu ku jirto ku muujiyeen midnimadooda.

Dibadbaxa ayaa ka danbeeyey kaddib marki uu dhawaan wiil ka tirsanaa bulshada Soomaalida ee ku nool magaaladaasi uu toorreey ku weeraray dad ku sugnaa suuq laga dukaameysto, ka hor inta uusan dilin askari dhar cad ahaa.

Dibadbaxayaasha ayaa xirnaa funaanado isu eg kuwaas oo ay ku qornaayeen oraahda “Midnimo” oo dhowr luuqadood ah.

Waxgaradka hoggaaminayay dibadbaxaasi oo isugu jiray Soomaali iyo caddaan islamarkaana socod qiyaastii hal kilomitir ah soo galay ayaa goobtii la isugu yimid ku duceeyay, waxayna ilaahay ka baryeen midnimo bulshada dhexdeeda ah.

midnimoUS midnimoUS1 midnimoUS3 midnimoUS4 midnimoUS5 midnimoUS6 midnimoUS7

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here