Daawo Sawirrada: Gudoomiyaha cusub ee degmada Dharkeynleey oo maanta xilka la wareegay

0
6323

Gudoomiye Ku Xigeenka kowaad ahna ku xigeenka Maamulka iyo MaalIyadda ee Mamulka Gobolka Banaadir Mudane Ismaacil Macalin Cabdi Guure,  Xildhiban Xasan Macalin,  saraakil ciidan iyo mas’uuliyin kale ayaa ka qeyb galay Munaasabad kooban oo uu xilka kula wareegayay gudoomiyaha Cusub ee Degmada Dharkenley Cabdifitaax Nuur Cali oo horey u ahaa Gudoomiyihii Degmada Kaaran,

Gudoomiyihii Hore ee degmada Dharkenley Cumar Meyre Macow oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan maamulki iyo bulshadii la soo shaqeysay mudadii uu gudoomiyaha ka ahaay Degmadaasi.

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Dharkenley Cabdifitaax Nuur Cali ayaa dhankiisa ka dalbay maamulka iyo shacabka reer dharkenley in ay ku gacan siiyan hormarinta degmada,

Gudoomiye Ku Xigeenka kowaad ahna ku xigeenka Maamulka iyo MaalIyadda ee Mamulka Gobolka Banaadir Mudane IsmaaciIl Macallin Cabdi Guur oo munaasabada ka hadlay waxa uu kula dardaarmay labada gudoomiye in ay ka soo dhalaalan mas’uuliyadda loo idmaday,

Xildhiban Xasan Macalin oo ka mid ah Mudaneyaasha Barlamaanka Soomaliya ayaa gaba gabada munaasabadda sheegay in ay muhiim tahay hormarinta dowladanimada iyo is dhaxgalka bulshada.

14064046_1752064251698993_3933294495983515422_n 14089146_1752064195032332_698942678978234978_n 14102492_1752064298365655_484771650618899675_n 14102552_1752064065032345_3203665143826706966_n

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here