Daawo Sawirrada: Maamulka G.Banaadir oo Casho sharaf u sameeyay guddoomiyaha Barlamaanka Jabuuti

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay Casha sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Barlamanka Dalka Jabuuti.

Casho sharaftaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Shiikh Cusmaan “Jawaari”, Guddoomiye ku xigeeenka 1-aad ee Barlamaanka Soomaaliya, Xildhibaannada 2-da aqal, Wasiirro, Guddoomiyayaasha Degmooyinka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Munaasabadaasi oo si qurux badan u dhacday ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, isagoo sheegay in wax badan ay ka dhaxeeyaan labada wadan iyo labada Shacab, wuxuuna guddoonsiiyay hadiyad Guddoomiyaha Barlamaanka Dalka Jabuuti.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here