Daawo Sawirrada: Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo ka qeybgalay kulan dib u heshiisiin ah

0
3080

Xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamanka Galmudug oo ka qeyb galay Kulan dib u heshiisiin Beeleed ah oo ka Furmay Galkacyo.

Kulankan oo ahaa mid lagu heshiisiinayo beelo Soomaaliyeed oo muddo ay ka dhax jirtay colaad sababtay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa ka furmay magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Furitaanka kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka Galmudug xubno ka tirsan   mas’uuliyiinta maamulka gobalka Mudug iyo kan dagmada Galkacyo  iyo waxgarad ka kala
socada dhinacyada ay colaadu ka dhax jirtay.

Kulanka oo loogu magacdaray heshiinta Galkacyo ayaa waxaa ugu horeeyn ka hadlay gudoomiye ku xigeenka arimaha maamulka iyo maaliyadda gobalka Mudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar

“Maanta waxaan idinka codsanayaa in waxa loo fadhiyo aan meesha looga kicin oo la soo af jaro colaad iyo dhib danbe oo aan irada hotelkaan aan lagala dagin” ayuu yiri

Sidoo kale waxaa kulankan furitaankiisa ka hadlay qaar ka mida nabadoonadii labada dhinac kuwaasi oo sheegay in ay soo dhaweeynayaan in laga heshiiyo wixii horay u dhacay iyagoona balan qaaday in ay meel
marin doonaan qodabada ka soo baxa shirkaan oo lagu wado inuu socdo muddo dhowr maalmood ah

Ugu danbeyna waxaa madasha furitaan shirkaan dib uheshiisiineed ka hadlay wasiirka wasaarada Dastuurka iyo dib uheshiisiinta Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Maxamed Cismaan Socadaal.

“Ujeedada halkaan aan isugu nimidna waa islaax baynu naas dowlada Galmudug  iyo ka waarad ahaana wasaarada dib uheshiinta hadafkeenu wuxuu yahay heshiisiinta shacabkeena si ay nabad ugu noolaadaan oo nabad markeey ku noolaadaana ay horumar u gudbaan shirkuna waa noo furan yahay”  sidaas waxaa yiri wasiirka wasaarada dastuurka iyo dib u heshiinta Galmudug Maxamed Cismaan Socdaal.

1 (6) 1 (11) 1 (8) 1 (5) 1 (3)

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here