Daawo Sawirrada: Shacabka Turkiga oo ka dhiidhiyay kana hortagay isku daygi ciidamada

1
9462

Shacabka dalka Turkiga ayaa ka dhiidhiyay isku daygii afgambi oo qaar ka mid ah ciidamada dalkaasi ay sameeyeen iyagoo isugu soo baxay wadooyinka magaalooyinka Ankara iyo Istanbuul, kuwaa oo muujinayay in ay taageersan ihiin Madaxweynaha Ergugan.

Shacabka oo wata calanka Turkiga ayaa bilaabay in ay dusha sare ka fuulaan Taangiyada ay wataan Ciidamada Milatariga ee doonayay in ay afgambi sameeyaan, waxa ayna sidoo kale dadka qaarkood isku dhigeen oo hor jiifteen Taangiyada ay wateen ciidamada sameeyay afgambiga dhicisoobay.

Waxaa la arkayay Taageerayasaha Madaxweynaha oo baabuurtooda ku xiray Wadooyinka qaar si aysan halkaasi usoo gaarin taangiyada, waxaana wali banaanbaxyo looga soo horjeedo falka ay ciidamadu ku kaceen uu ka socdaa Wadooyinka Ankara iyo Istanbuul.

Sidoo kale waxaa weli socda howlgallo lagu soo xirxirayo dhamaan ciidamadii ka qeybqaatay afgambigaasi dhicisoobay, iyadoo shacabka Turkigu ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan in la afgambiyo dowladda madaxweyne Erdugan ee ku dhisan dimuquraadiyadda.

tanki_4 tanki_2 tanki_1 tann_1

tanki_7

tanki_8

tanki_9

tanki_10

tanki_11

tanki_12

tanki_13

tanki_15

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. inqilaabki xalayka dhacay wadanka aynu walaalaha nahay ee turkiyo waa arrin aynu aad uga xumaanay laakiin illaahey mahdiis saacado tirsan ayeey shacabka sharafta leh ee turkiyo soo afjareen qiyaanadi ay soo abaabuleen cadawga turkiyo iyagoo adeegsaday tiro kamid ah ciidamada turkiyo laakiin ah kywo munaafiqiin ah,wadankastana wayku jiraan kuwo aan daacad aheeyn oo la shaqeeyo cadawga oow wadankaas leeyahay.

    shacabka turkiyo waxeey maanta caalamka bareen taariikh, ay caalamka inta sharafta lihi ku qori doonaan bog dahab ah,taas oo ah hadey dowladaadu ku ciseyso kuna sharafto u hur naf iyo maal.
    dowlada turkiyo oo ow hogaamiyahaka yahay madaxweyne urdugaan waxeey soo celisay sharaftii turkiyo ku laheed caalamka waxeyna ku dadaashay shacabkeeda iyadoo ka dhigtay wadanka turkiyo wadan ay caalamkoo dhami u haayaan qadarin taasina waxeeyku timid markii ay dowlada turkiyo dhistay shacabkeedi iyo dhaqaalaheedi,iyo markey garab istaagtay wadamada ay dhibaatadu ka jirto oo ow ugu horeeyo wadankeena oo aan marna iloobi doonin garab istaagi maalin ay caalamkoo dhami na cidleeyeen ayna ilaa maanta na garab taagan yihiin.

    waxaan leeyahay qofkastoo doonaayo inoow wadan madaxka noqdo hanoqdo mid sharfo shacabkiisa iyo wadankiisa si ay shacabkiisu u garab istaagaan markii cadaw la damco mu,aamaro iyo inqilaab.

    MAHADSANID URDUGAAN MARKAAD KU DADAASHAY SHACABKAADA.

    MAHADSANID SHACABKA SHARAFTA LEH EE TURKIYO
    MARKAAD ILAASHATAY DOWLADAADI KANA DHOWRTAY WADANKAADU INOOWKALA DAATO.
    SHUGRAN SHACABKA TURKIY

    WAXAANA KUU HIBEEYAY

    ERAYADAAN AY ABWAANADEENI HORE NA BAREEN

    MALOO DHASHAA WADANIIY MASE WAALAYSKA DHIGII KARAA WADANII?

    WAALOO DHASHAAYE SIDEE LAYSAGA DHIGII KARAA WADANIIY.

    SHUGRAN SHACAB CADIIM AH
    SHUGRAN MADAXWEYNE CADIIM AH ….. TURKIYO…….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here