Daawo Sawirrada: Taliyaha ciidanka XDS oo maanta kulan la qaatay saraakiisha ciidanka

1
2640

Taliyaha ciidanka XDS S/gaas Maxamed Aasan Axmed ayaa xarunta wasaaradda Gaashaandhigga kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka XDS kaasoo looga hadlay xaaladda ciidanka, iyo habka ay u socdaan howlgallada ciidamadu ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Kooxda fanaaniinta ciidanka XDS ee Horseed ayaa furitaanki kulanka ku soo bandhigtay suugaan qiira leh iyo riwaayad ka tarjumeysa waxqabadka ciidamada XDS, taasoo ay aad ugu riyaaqeen taliyaha iyo saraakiishi ka qeybgashay kulankaasi.

Taliyaha ciidanka XDS S/gaas Maxamed Aadan Axmed oo kulankaasi ka hadlay ayaa saraakiisha kula dardaarmay iney gutaan wajibaadka qaranka islamarkaana ay ka shaqeeyaan nidaaminta ciidanka ilaaliyaana xuquuqda ciidamada iyo dishabiliinkoodaba.

Taliyaha ciidanka XDS ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in dugsiga tababarka ciidamada Jasiira loogu magic daray Abaanduulihii hore ee ciidanka XDS Jeneraal C/kariin Yuusuf Aadan “Dhegabadan’ wuxuuna saraakiisha faray inta magaca dugsiga Jasiira lagu bedelay sidan “Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan”.

Kulankan ayaa ahaa mid todobaadkiiba maalinta khamiista ay saraakiisha ciidamada XDS ku yeeshaan xarunta wasaaradda Gaashaandhigga kaasoo ay uga hadlaan xaaladda ciidamada.

DSC09784 DSC09785 DSC09786 DSC09787 DSC09792 DSC09793 DSC09800 DSC09801 DSC09803 DSC09807 DSC09808 DSC09809 DSC09811 DSC09813 DSC09815 DSC09816 DSC09818 DSC09819 DSC09820 DSC09821 DSC09822 DSC09829 DSC09830 DSC09832 DSC09833 DSC09834 DSC09835 DSC09836 DSC09840 DSC09841 DSC09843 DSC09845 DSC09847 DSC09848 DSC09849 DSC09851 DSC09853 DSC09854 DSC09859 DSC09862 DSC09863 DSC09867 DSC09869 DSC09871 DSC09872 DSC09874 DSC09876

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. NIDIRBAAN HORAY U GALAY
    NIYADEYDU WAA MEEL
    HADII AANAN SOO NOQON
    CALANKEYGA NUUROOW
    ALLAHAYOOW KU NABAD GELI.

    erayadaan quruxda badan waxeey ka mid ahaayeen kuwii ay ciidamadu ku qoreen derbiga hoolka taliyaha iyo ciidamadu kulanka ku yeesheen,waana erayo ka tarjumaayo niyada ciidankeena iyo doorka muhiimka ah ee ow wadanka ku leeyahay.
    waxeey taliyayaashu sheegeen in kulankaan ay ciidamadeenu berisamaadkii maalinkastoo khamiis ah yeelan jireen iyagoo ku fiirinaayo iska warqabidooda iyo waxqabadkooda, waxaana maanta ka fahmikarnaa in ciidankeenu ay tariiqii horumarka lugta saareen, waxaan nahay ummad leh taariikh sharafleh oo maanta shacabkeena iyo dowladeenuba ka dabqaadankaraan si aan uga soo kabano burburkii nagu dhacay dhowr iyo labaatanka sano.
    maanta kulankaan quruxda badan ee ciidankeena ka muuqdo ha ahaado mid mooral iyo mid aragtiba waa mid lagu farxo waxaana illaaheey ka baryaynaa in ow ciidankeena u siyaadiyo ciso iyo xoog owku hanto wadankeena qaaliga ah, sitaas loo helana waa in dowlad iyo shacabba lays garab istaago marar badan ayaa laga hadlay arinta ah in dowlada lala dhiso ciidanka oo shacabku ay ka qayb qaataan laakiin illaa iyo hada lama arag waxtar muuqda oo ay shacabkeenu ka qaateen arrintaas,waxeeyna ilatahay in shacabkeenu baraarugo oo intii illaaheey waxsiiyay ay ka qeyb qaataan dhisida iyo xoojinta waxqabadka ciidanka waayo ciidamadu waa kuwa shacabkastaahi guryahooda nabad ugu hurdaan ayna ka dugsadaan weeraro iyo xadgudub uga yimaado dibada wadankooda,
    waxaana maanta baraarug noogu filan waxa ka dhacaayo xuduuda nagala dhaxeyso kenyo oo maanta u baahan ciidan xoog leh oo gacanta ku dhigo xuduudaheena, taasina waxeey ku imaankartaa dowlad iyo shacab isku duuban oo darajada koowaad ee dhaqaalahooda geliyo xoojinta ciidankoooda. waayo daaro dheedheer iyo ganacsi farabadan oo ciidankii illaalinlahaa aysan dhisneyn waxeey halis ugu jiraan cadawkasto si ay dhaqso ugu burburaan.
    dowladu waa mahadsantahay inta yar ee ay jirto dadaalka ay gelisay ciidanka taliyayaasha ciidankeenuna aad ayeey u dadaaleen illaaheeyna haku garab galo howsha culus ee ay hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here