Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gubineynaa sawirada Xafladda 1-da Luulyo oo ah markii Gobolada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur.
Sawir Qaade:- Ilyaas, White-ka, Qadar iyo Jabiiba
MAANTA MAANTA MAANTAA WA A MAALIN WEYNE MAANTAA MAANTA MAANTA MAGACEEN HARAAGE MAANTAA.
kowda luuliyo waa maalin aan caadi aheeyn waa maalin dhadhan qaas ah leh waa maalin taariikhda ka gashay baal dahab ah
waa maalin fasirkeedu yahay ( SOOMAALIYO SOOMAALIBAA LEH).ISKU DUUBNIBAAD DADKAYAGOOW DULI KAGA BAXDAA.)
kowda luuliyo waa maalintii kulmisay xoriyada goboladeena koofureed iyo israacidii wadankeena taas oo ku timid halgankii ayshacabkeenu u hureen naf iyo maal sanado aan yareeyn.
waaa wax lagu farxo sida quruxda badan ee shacabkeenu ugu dabaaldageen maalinta xoriyada iyo israaca wadankeena wadanka dhexdiisa iyo dibadaba, waana illaaheey mahadiis in si quruxbadan oo aamin ah looga dabaaldegay caasimadeeni dhowr iyo labaatansano ka dib taasoon iyana ku imaan dheedheel waayo reer muqdisho waxeey dhiig badan u daadiyeen sidii caasimadu u noqon laheed meel nabad ah.
maalintaan qiimaha leh darteed waxaan halkaan uga dirayaa madaxdeena iyo shacabkeena meelkastoo ay joogaan salaan iyo tahniyad xambaarsan farxad iyo raynrayn.
maanta waxaa waajib ah in shacabkeenu taariikhda dib u fiiriyo xasuusto halganka laga soomaray xoriyada iyo calankaan quruxda badan ee ka soo go,ay qalbi aan aqoon qabiil iyo iskala qoqobid.
waxaan halkaan baaq uga dirayaa madaxdeena ha ahaadeen kuwa joogo waqooyi iyo kuwa bari iyo koofurba in aad xasuusataan qaymaha maalintaan oo aad go,aan ka gaartiin khilaafaadka aan dani ugu jirin shacabkeena cadawga soomaaliyeed maahin.
maanta waa ineey noqoto sidii maalintii ay iscafiyeen nabi yuusuf iyo walaalihiis markii walaalihiis ka dalbeen inuu cafiyo isna ugu jawaabay maanta waa maalin aan iseedeeyn ka dambeeyn sidaana dib ugu walaaloobeen, nabi yuusuf waxoow cafiyay walaalihiis oo ceel ku riday isagoo yar bacda afartan sano oo ay dhibaato weyni soo gaartay isaga iyo aabihiisba laakiin markoow arkay walaalihiis oo dayacan ayoow xasuustay walaalnimadi halkaana ku cafiyay soona dhaweeyay halkaasna ku dhamaatay dhibkii isaga iyo reerkiisi gaaray.
waxaan qaasatan fariin u dirayaa walaalaha waqooyi anigoo xasuusinaayo doorkoodi qaymaha badnaa ee ay ka qaateen israacii xoriyada ka dib maanta ayeey soomaaliyi uga baahi badantahay maalinti xoriyada in ay israacdo waayo maalintaas wadanku waxoow ahaa hal cod cadawgiisuna waxoow ahaa hal meel looga soo wada jeedo maantase wadankeeni waakala daatay waxoowna u baahanyaya qalbi wadani ah oo xambaarsan wadaninimo aanku fakirin qabiil iyo gobolaysi ee soomaali mideeyo waxaan shaki iiga jirin hadii reer waqooyi maanta ku dhawaaqaan walaalnimo in shacabka soomaaliyeed kala hortagi lahaa caleemo qoyan taasina ay sharaf iyo ciso ku raaci laheed walaalaha reer waqooyi oo iyagu labaatan sano ka hor ku dhawaaqay goosasho.
maanta waa maalin ciso iyo sharaf mudan soomaalina meelkastooy joogto waxeey ciso ku heleysaa walaalnimo iyo wadajir sidaas darteed waa in aan si dheer ufikirnaa oo qaadanaa go,aan geesinimo leh kana baraxtiran qabyaalad iyo gobolaysi,go,aankeenuna noqdo walaalnimo midnimo iyo soomaaliweyn.
waxaan illaaheey ka baryayaa inoow shacabkeena isu soo dumo quluubtooda isu soo jeediyo bishaan ramadaan ay noqoto bishii qayrka iyo nabadu u dhalato ummaddeena illaaheeyna marlabaad na walaaleeyo nagana dhaxsaaro colka iyo cadaawada inshaa alllaah.
inshaa allaah sanadkaan sanadka ku xigo waxaan u dabaaldegi doonaa iyadoo calanka buluugaahi ka babanaayo soomaaliyo geeska gees shacabkeenuna midoobay.