DAAWO SAWIRRADA XUSKA CIIDANKA NABAD SUGIDDA OO LAGU QABTAY MUQDISHO

1
1612

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa sawirada munaasabad lagu xusayay sanadguuradda 46-aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed oo xalay lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Sidoo kale intii ay munaasabadda socotay waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud shahado sharaf guddoonsiiyay Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaalla iyo Weriya Cabdicaziiz Maxamuud Guuleed Afrika oo ka tirsan Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka.

IMG_0094 IMG_0277 IMG_0276 IMG_0275 IMG_0272 IMG_0271 IMG_0269 IMG_0267 IMG_0266 IMG_0264 IMG_0258 IMG_0256 IMG_0255 IMG_0246 IMG_0244 IMG_0230 IMG_0218 IMG_0213 IMG_0203 IMG_0194 IMG_0185 IMG_0174 IMG_0166 IMG_0165 IMG_0161 IMG_0160 IMG_0159 IMG_0154 IMG_0153 IMG_0139 IMG_0137 IMG_0136 IMG_0129 IMG_0122 IMG_0116IMG_0101

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waxaa illaahey mahadiis ah in wadankeeni ow maanta lugta saaray dariiqii nabada iyo dib uga soo kabashada jahawareerki nagu dhacay dhowrka iyo labaatanka sano ee colaadu wadankeena ka jirtay.
    waxaana shaki ku jirin in horumarkaan iyo nabadaan loo soo maray dadaal aad u weyn ayna ku dhinteen dad aad u fara badan qaasatan reer muqdisho hadey ahaan lahaayeen madax,ciidan.iyo shacabba oo dhaxda u xirtay si caasimadda wadanku u noqoto meel shacabkeenoo dhami ay ku soo hiran karaan iyagoo fahmay in caasimadu tahay miraayadii wadanka laga daawanaayay oo hadey nabad hesho wadankoo dhamina noqo doono nabad.
    waxaan qirsanahay in taliyaha ciidamada nabad sugida mudane tuuryare ow muujiyay dadaal aad u dheeri ah isaga iyo ciidamadiisa oo fashiliyay dhaqdhaqaaqyo fara badan oo wadankeena la rabay halaag iyo gadaal u noqosho, kuwaas oo ay ugu qatarsanaayeen
    shiicaynti iyo qalqalkii ay iiraantu wadankeena ka waday iyo weeraro dhowr ah oo ay ciidanku fashiliyeen inti aysan dhicin iyo
    weeraro dhacay laakiin ay si karti leh usoo afjareen muddo saacado ah iyadoo wadamo waaweyn oo caalamka ah ay ku qaadato maalmo badan si ay weeraradaas usoo afjaraan waxaana tusaale noogu filan
    weerardii westage kenyo iyo baariis oo ay qaadatay maalmo kuna le,deen dad aad u fara badan.

    taliyayaashii hore ee nabad sugidu waxey aad u amaaneen waxtarka tuuryare waxeyna ku taliyeen in aan meeshiisa laga bedelin,waxaana ku raacsanahay taladaas waayo wiilkaan yari aad ayoow u dadaalay hay,adda nabadsugiduna waa sirtii wadanka marka kuma haboono in qofka sirta wadanka haayo hadow yahay qof dadaalaayo in la bedelo, tankale qofka dadaalo markii la dhiiri geliyo qaasatan dhalinyarada waxaa ku dayanaayo dhalinyarada wadanka, marka waxaan madaxda wadanka ka codsaneynaa ineey
    arrintaas fiiro gaar ah u yeeshaan.
    hambalyo ayaan leeyahay ciidamada nabad sugida iyo taliyahooda
    tuuryare anigoo leh taariikhdu waxey idinku qori doontaa baal dahabba illaahey garabkiina ha galo,
    tuuryare ma iloobi doono halheskaada ah waxaan shaqeynaynaa inta (BIYAHA IYO KORANTADU SHAQEYAAN)
    guuleyso illaaheyna ciso hakuu siyaadiyo shar iyo shaydaana allaha kaa badbaadsho howshaad haysana hakuu sahlo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here