Daawo Sawirro+Jaamacada SIMAD oo Heshiis Iskaashi la saxiixatay Jaamacada Vaal oo ku taala dalka Koonfur Afrika,

2580

Munaasabad kooban oo heshiiskaan ay ku kala saxiixanayeen jaamacada Simad ee ku taala magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya iyo Jaamacada Vaal ee ku taala magaalada Vereeniging ee gobolka Gueteng dalka Koofur Africa ayaa waxaa ka qeybgalay maamulka labada jaamacadood,aqoon yahano u kala dhashay dalalka Soomaaliya iyo Koofun Afrika iyo masuul ka socday Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalkaan.

Heshiiskaan labada jaamacadood ee Simad iyo Vaal ay kala saxiixdeen ayaa waxaa ku jira qodobo muhim ah oo ay ka mid yihiin.​​

1-Iney iska Iskaashadaan cilmi baarista iyo Tiknaloojiyada,
2-Iney is weydaardaan ardeyda iyo macalimiinta
3-Iney wadaagaan keydka iyo macluumaadka ay jaamacad kasta heysato
4-Iney si wadajir ah u qabtaan shirar cilmiyeed caalami ah oo kadhici doona magaalooyinka Muqdishu iyo Johannesburg.
5-Iney wadaagaan manaahijta iyo khibrada
6-Iney si wadajir ah u bixiyaan taqasusyada sare ee Masterka Iyo PhD,
7-In labada jaamacadood ay xiriir dhow yeeshaan, iyo qodobo kale oo muhim ah.
Hishiiskaan ayaa labada jaamacadood waxaa u kala saxiixay Daahir Xasan Carab oo ah gudoomiyaha jaamacada Simad iyo Waliba Ndodomzi Zide oo ah madax ku xigeenka Jaamacada Vaal.

Gudoomiyaha jaamacada Simad Daahir Carab ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in dadaal dheer ay usoo galeen labada jaamacadood sidii heshiiskaan ay u kala saxiixan lahaayeen fursad ayna u tahay ardayda Soomaaliya in ay ka faa’iideystaan.

Gudoomiyaha Jaamacada Vaal ee Tiknaloojiyada iyo Seyniska Prof. Gordon Zide ayaa asna dhankiisa waxaa uu sheegay in arin lagu farxo ay tahay howshaan maanta ay qabteen labadaa jaamacadood ayna sii wada doonaan sidii looga miro dhalin lahaa heshiiskaan.

Dalalka kasoo kabanaya burburka ka dhasha colaadaha iyo  dagaalada sida Dalka Soomaaliya waxaa ay u baahan yihiin aqoon wadata farsamada iyo cilmiga Tiknaloojiyada casriga ee aduunka ka hana qaaday iminka heshiiskaan waa mid u fududeynaya ardayda Soomaalida in aqoonta ay halkaan kala tagaan ay dalkooda uga faa’iideyaan karaan waa sida uu qabo Prof Cabduqaadir Cigaal oo Barre ka ah jaamacada Vaal .

U Qaabilsanaha Waxbarashada iyo dhaqanka Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Afrika Cabdi Xalane Xirsi ayaa sheegay in jaamacada Vaal ay diyaar u tahey In Soomaliya ay wax laqabtaan.

Talabadaan jaamacada Simad ay heshiiiska kula saxiixatay mid ka mid ah jaamacada ugu tayada sareeya qaarada tan Afrika ayaa waxaa uu Ka dhigan yahay mid ka mid ah guulaha dhanka waxbarashada oo uu gaarayo dalka Soomaaliya waxaana dhanka kale ay fursad u tahay ardayda hore ugu dhibanaa in ay waxbarasho u yimadaan dalkaan Koonfur Afrika.

Cabdullaahi Maxamuud Amiin.
C/laahi Qorshe.
Johannesburg-Koonfur Afrika.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here