DAAWO: Tartamayaasha Degmada Shibis oo caawa si fudud ugu soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmeedka Warbaahinta Qaranka kaddib markii ay soo xaadiri waayeen waqtigii tartanka loogu talagalay.

Guddoomiyaha Guddiga Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed (Ma’da) ayaa ku dhawaaqay in tartamayaasha Degmada Shibis ay u soo gudbeen wareegga labaad ee tartanta marka loo eego qodobka labaad ee sharciga u yaala tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo u qoran sida soo socoto:

Degmadii maqnaata xilliga tartanka cudurdaar la’aan waxay la mid tahay iyadoo laga badiyay ama (Forfeit) dhibcaha ku weysay.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka shanaad ee tartanka, waxaa ku foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir

Halkaan ka daawo

Degmada Shibis oo u soo gudubtay wareega labaad kadib markii ay soo xaadiri weysay Degmada Beledweyn Tartanka Caawa

Tartamayaasha degmada #Shibis ee gobolka Benaadir oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee Radio Mogadishu iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed kadib markii ay soo xaadiri waayeen tartamayaasha degmada #Beledweyn ee gobolka Hiiraan

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Sunday, May 20, 2018

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here