Daawo Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “Muuqaal+SAWIRRO”

1531

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulanka afar iyo labaatanaad oo ah wareegga saddexaad kulankiisa saddexaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Warta Nabadda Vs Jilib oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Dhexe, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Warta Nabadda Vs Jilib ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Warta Nabadda

Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, ma jirin hal su’aal o oay ka jawaabeen oo waa ay iska qaldeen dhamaan todobadii su’aal ee la weydiiyay, balse waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamaayasha Degmada Jilib, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay labo (2) dhibcood.

Jilib

Tartamayaasha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal  su’aal, iyagoo iska qalday lix su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Jilib waxay noqotay labo (2) dhibcood.

Tartamayaasha labada degmo ayaa isku garab dhacay oo ay noqdeen isku dhibco, waxaana uu guddiga ku daray su’aallo dheerio ah oo lagu kala saarayay labada tartame, waxaana su’aashii koowaad la weydiiyay tartamaayasha Degmada Jilib waana ay iska qaldeen, waxaana ka faa’iideystay dhigooda Warta Nabadda, iyagoo sidoo kale ka jawaabay toodii gaarka ahayd, waxana ay la yimaadeen 4 dhibcood iyo labo dhibac oo ay horey u wateen.

Warta Nabadda 6 dhibcood iyo Jilib oo heshay 2 dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadd ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Jilib laga ciribtiray tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka shan iyo labaatanaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Xamar Jajab Vs Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose.

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here