Dadaallo lagu xirayo goobaha uu ka fataho webiga Shabeelle ee Beledweyne oo socda.+Sawirro

Culimaa’udiin ka tagey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyo guddiga xalka waara ee fatahaadaha gobolka Hiiraan ayaa maanta kormeeray goobaha laga cabsida qabo in uu fatahaado ka sameeyo webiga Shabeelle.

Sheekh C/risaaq Macalin oo kamid ah culimada ka tegay magaalada Muqdisho ayaa bulshada Muslimiinta ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sidii loo xiri lahaa goobaha webigu uu ka fataho, isagoo sheegay in culimadu ay u yimaadeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaallada socda.

Guddoomiyaha guddiga xalka waara ee fatahaadaha gobolka Hiiraan, Xaaji Cismaan Dhagaxow ayaa culimada uga mahadceliayay safarka dheer ay usoo galeen in ay indho indheeyaan meelaha ugu darran  ee webigu fatahaada ka sameeyo si looga xiro,wuxuuna tilmaamay in ay wadaan isku dayo lagu xirayo goobaha ugu waaweyn oo kala ah Hilikilyo, Qooqane iyo Guryo-Cadde.

Culimadaan oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah dadaallo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka ay ugu jiraan sidii looga qeyb qaadan lahaa xiritaanka goobaha uu fatahaada  ka sameeyo webiga Shabeelle ee mara Beledweyne,halkaas oo shacab badan sannad kasta ay ka barakacaan guryahooda.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here