Dagaal u dhexeeya Ciidamada Xoogga iyo Alshabaab oo ka dhacay Goof-guduud

Warar laga helayo Deegaanka Goof-guduud ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhex maray Ciidamada Dawladda Soomaaliya iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-shabab Deegaanka Goof-guduud Buuray Xarow oo 28-Km dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Ibraahim Yarow ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Toban ka tirsan Maleeshiyaadka Alshabaab lagu dilay dagaal ka dhacay Deegaanka Goof-guduud Buurey, isagoo intaasi raaciyay in hadda ay xaaladdu tahay mid degan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here