Dalka Mali oo laga hakiyay xubinnimadii Midowga Afrika

Midowga Afrika ayaa si kumeel gaar ah u joojiyay xubinnimada dalka Mali ee ururkaas, waxaana tallaabadaas ay jawaab u tahay afgambigii uu militarigu ku qabsaday dowladdii dalkaas dhawaan.

Bayaan kasoo baxay Urur gobaleedka Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in Mali ay la kulmi doonto cunaqabateyn dheeraad ah, haddii militarigu aanu awoodda dib ugu soo celin dowladdii rayidka aheyd ee dalkaas ka talineysay.

Militariga Mali ayaa asbuuci hore xiray, madaxweynihi ku meel gaarka ahaa Bah Ndaw iyo Ra’isul Wasaarihiisii Moctar Ouane, kaddibna ku cadaadiyay in ay iscasilaan, arrintaas oo dhabarka ka jabisay dadaalladi lagu doonayay in dalka galbeedka Afrika lagu gaarsiiyo doorasho dimoqraadi ah sideed bilood kaddib marki ay isla militarigu afganbi awoodda uga tuureen madaxweynihi hore ee dalkaasi.

Sidokale Urur goboleedka ECOWAS ee Galbeedka Afrika ayaa isna maalinimadii Axadi dalka Mali ka joojiyay xubinnimada ururkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here