Danab oo gaari qarax saaran yahay ku gubey Tooratoorow

Mid kamid ah maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ku dhintay gaari argagaxisada walxaha qarxa ku soo rakibeen oo saaka ciidanka kumandooska xoogga dalka ee Danab ay ku gubeen degaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha.

Ciidanka Danab ayaa aroortii hore ee saaka howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka halkaas oo ay ku qaxiyeen gaari Land Cruiser Surf ah kaas oo lagu diyaariyay waxlaha qarxa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here