Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya oo deeq gaarsiiyay carruur agoon ah-Sawirro

0
1944

Ka dib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta daryeelka ilmaha agoonta ah ee Badbaado kuna taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya waxa ay deeq loogu talo ilmaha agoonta ah ee xaruntaas ku jirta ay ku wareejisay maamulka xarunta.

Deeqdan oo isugu jirta sariiro,jaadariyaal,barkiman go’yaal iyo bustayaal ayaa waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka xaruntan ,waxaana waalidiinta ilmahooda ay xarunta ku jiraana uga mahadceliyeen safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya deeqdan maanta soo gaarsiisay.

Gudoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir Axmed Salaad Ibraahim ayaa uga mahad celiyay safaaradda Shiinaha Soomaaliya sida ay uga jawaabeen baahida xarunta dhinaca agab la’aanta ah.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Weing Hoington oo ay Soomaalidu u taqaano Warsame Geeljir ayaa sheegay in deeqdan maanta ay gaarsiyeen xarunta agoon lagu xanaaneeyo ay tahay qeyb ka  mid ah miisaaniyadda safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Maanta waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan ku wareejiyo maamulka xaruntan deeqdan oo ka timid miisaaniyada safaarada Shiinaha ee Soomaaliya oo ka kooban sariir ,go’ yaal ,bustayaal iyo joodariyaal ,mar kasta baahida carruurtan waa ay taagantahay ,carruurtana waa mustaqbalka dalka walba’’, ayuu yiri safiirka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ugu dambeyn ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Banaadir in carruurta agoonta uu caawiyo.

“Gudoomiyaha gobolka Banaadir waxaan ugu baaqeynaa in agoontan dhul ay degaan la siiyo intii carruurteen ay derbi jiif noqon lahaayeen ama kooxaha nabada diidan ay leexsan lahaayeen si ay dembiyo u geystaan’’, ayuu sheegay Dalxa.

Xarunta ayaa waxaa ku jira oo lagu xanaaneeyaa carruur gaareysa 524 guud ahaan oo isugu jira wiilal iyo gabdho kuwaas oo  121 ka mid ah xarunta dhexdeeda jiifta,waxaana dowladda Shiinaha  Soomaaliya ay ka taageertaa dhinacyo fara badan oo ay ka mid tahay dhinaca wxbarashada waxaana xusan in hada dalka shiinaha ay wax ka bartaan  ilaa 12,000 oo arday Soomaaliyeed ah.

1 2 3 5 6 8 9

Sawir Qaade: C/qadar Catoosh

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here