Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo booqday xeryaha Dhadhaab-Sawirro

0
4145

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa manta booqday xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha qaxootiga Dhadhaab, ayagoo la kulmay mas’uuliyiin tahay’adda UNHCR iyo hoggaamiyeyaasha qaxootiga Soomaalida ah ee xeryaha.

Danjire Jamaal, ayaa qaxootiga warbixinkasiiyay qaabka ay Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR qorsheeyeen in dalka dib loogu celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee go’aansada in ay laabtaan, ayadoo aysan jiri doonin dad qasab lagu celin doono.

“Waxaan ku heshiinnay waa in dadkan la qasbin, oo ay ku laabtaan rabitaankooda, labada dowladood iyo UNHCR taas ayay isku ogyihiin” ayuu yiri Danjire Jamaal.

Dhinaca kale dadka ku nool xeryaha ayuu u sheegay in ay ka fekeraan sidii ay uga bixi lahaayeen nolosha qaxootinimada oo ay dalkooda ugu laaban lahaayeen si ay uga qeybqaataan horumarintiisa.

“Arrinta muhiimka ah waa in la ilaaliyo sharaftiina oo aan la idin qasbin, hase yeeshee waa in aad ka fekertaan noloshiina oo aad ka baxdaan qaxootinimada”.

 Wakiillada qaxootiga ayaa ka hadlay walaaca ay ku beertay warka ay warbaahintu sheegeyso ee ah in la xiri doono xeryaha, dadkana lagu daabuli doono dalkooda.

Marka ay dowladda Soomaaliya iyo UNHCR noo sheegaan in qasab uu san jirin, haddana idaacadaha ayaan ka maqalnaa bil hebel waa la xirayaa xerada Dhadhaab, annagu waan laabanaynaa laakin ma aha in nala qaqabto” ayay tiri haweeneey ka mid ah horjoogayaasha xerada Dhadhaab.

Dhinaca kale, danjiraha iyo qunsulka oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta UNHR ayaa in ka badan kun qof u qeybiyay timir loogu talogalay in ay ku afuraan inta lagu gudajiro Ramadaanka.

Dadka ku nool Xerada Dhagaxleey ayaa aad u soo dhaweeyay safiirka iyo wafdigiisa, oo markii labaad inta lagu jiro bisha Ramadan soo booqday xeryaha qaxootiga ee Dhabaab.

13508893_10201928542092766_4194839294443477549_n 13528995_10201928542052765_6359334451012268001_n

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here