Danjire Daahir Geelle oo la kulmay guddoomiyaha Gobolka Riyaad ee Sacuudiga

Danjiraha Soomaaliya ee waddanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa la kulmay guddoomiyaha gobolka Riyaad Faisal bin Bandar.

Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga ayaa qortay in Danjire Daahir Geelle iyo guddoomiyaha Riyaad ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa ka shaqeysta magaalada Riyaad iyo magaalooyinka kale ee waddanka, ayadoo ay jiraan Soomaali deggan waddankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here